Agaasimaha waaxda dambi oogista dalka Nuradiin Xaaji ayaa ku amray taliyaha ciidamada boliiska Joseph Boinnet in uu sameeyo baritaan ku aadan shilkii galaaftay nolasha 58 qof ee ka dhacay degaanka Fort Ternan ee Ismaamulka Kericho.

Agaasime Xaaji ayaa ku amar ku bixiyay in baritaanka kadib faylka lagu soo wareejiyo Xafiiskiisa si loo qaado talaabada ku haboon ee lagula xisaabtamayo shaqsiyaadkii masuulka ka ahaa shilka baska.

Mr Xaaji ayaa sheegay in sharciga ay wajihi doonaan milkiilayaasha gaariga, isagoo sidoo kale xusay in laga maarmaan ay tahay hubinta badqabka shacabka Kenyaanka ah.

Hadalka waaxda dambi oogista dalka ayaa ku soo beegmaya kadib markii maalinti Arbacada ahayd shil uu galay gaari ay leedahay shirkada Western Express Sacco kaas oo sababay dhimashada 58 qof iyo tiro dhawaaca ah.