Wa Maalin Khamiis ah tariikhdu waa 11-bisha October sanadka 2018 waana maalinta 284 ee sanadkan waxaaana sanadkan ka haray oo kaliya 81 maalmood.

Hadaba aan dib idiin xusuusino qaar ka mid ah dhacdooyinki maanta oo kale Dunida ka dhacay waxaana ka mid ah :-

1852-Maanta oo kale Jaamacada Magaalada Sydney ayaa loo aqoonsaday jaamacada ugu cimriga dheer ee ku talaa Magaaladaasi.

1910-Maanta oo kale Theodore Roosevelt ayaa noqday madaxweynihi ugu horeeyay ee Maraykan ah ee ku duula diyaarad.

1961-Maanta oo kale aktarka majaajilaystaha ee ka tirsana shirkada Hollywoodka Maraykanka ee Chico Marx ayaa ku geeriyooday isagoo jira 74 sano.

2012 Maanta oo kale Burcad badeed Somaali ah ayaa siidaysay markabka MV Free Goddess oo laga lahaa dalka Giriiga iyagoo ka qaatay madaxfurasho dhan $2.3 million.

 2002-Maanta oo kale Madaxweynihi hore ee Maraykanka Cartel ayaa ku guulaystay bilada nabad aduunka ee Nobel Peace prize.

2007 -Maanta oo kale qof naftii halige ah ayaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku weeraray fadhiisin ciidamada dowlada Somaaliya ay lahayeen isagoo dilay 2 qof.

1994 -Maanta oo kale ciidamada dowlada Ciraaq ayaa bilaabay in ay ka soo baxaan xuduuda dalkaasi uu la wadaago wadanka Kuwait.

2010  -Maanta oo kale Burcad badeed Soomaali ah ayaa afduubtay wasiirkii kaluumaysiga maamul gobaleedka Puntland , iyadoo qaaarajiyay mid ka mid aha ilaalada wasiirka , balse wasiirka ayay soo dayeen laba maalin kadib.

2004 -Maanta oo kale diyaarada dagaalka Israel ayaa gantaalo ku ganay guri ku yaala koonfurta Magaalada Qaza waxaana weerarkaasi ku dhawacmay shan qof.

2006  -Maanta oo kale Raysul wasaarihi dalka Hindiya  Manmohan Singh ayaa la gudoonsiyay shahaada sharaf dhakhtarnimo taas oo ay siisay jaamacada Cambridge.

Ku dhegayso Xubintan Barnaamijka Ogaalka-Dunida ee ka baxa idaacada Tusmo  maalin kasta marka laga reebo maalinta Axada ah, saacaduna tahay 3:00pm ilaa 4:00pm

By Bile Beshir Mehbub (BBM)