Brian Kassaine oo ahaa mid ka mid ah dadka sida wayn loogu tuhunsanaa falkii lagu qaarajiyay Monica Kimani ayaa la sii dayay kadib mudo 11 cisho ah oo ku jira xabsiga .

Khamiisti shalay maxkamada Nairobi ay amartay in eedaysane Kassaine  uu maalinkasta oo khamiis ah uu martago xarunta dambi baarista ee DCI.

Brian Kassaine ayaa xabsiga la dhigay 29 bishii September kadib markii ciidamada boliisku ay weerar ku qadeen gurigiisa oo ku yaala magaalada Nairobi.

Monica Kimani ayaa lagu dilay  gurigeeda oo ku yaalo dhismaha Kilimani maalmo ka hor balse waxaa wali socda baritaanada lagu baadi goobayo kooxihi ka dambeeyay dilka gabadha.