Dagaalyahano la tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-shaabab ayaa laba macalin ku dilay degaanka Lafey ee hoostaga Ismaamulka Mandera.

Cabdicasiis Dhakat oo xubin ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka degmada Lafey ee uu weerarku ka dhacay ayaa Warbaaahinta u xaqiijiyay in macalimiinta la dilay ay ka tirsanayeen iskuulka Arabia Boys Secondary School.

Mr. Dhakat ayaa sidoo kale xusay in weerarka maleeshiyada hubaysan ee laga shakisanyahay in ay ka mid yihiin uu dhacay 2 subaxnimo ee saaka.

Kooxaha weerarka fuliyay ayaa sidoo kale dab qabasiyay xafiisyada shaqaalaha iskuulka sida dad degaanka ay warbaahinta u shegeen.

Degaanka Lafey ayaa u dhow xuduuda dalka uu la wadaago Somaaliya halkaas marar kala duwan ay ka dhaceen weeraro masuuliyadood ay dusha u ridatay kooxda Al-Shabaab.