Anthony Mancinelli waa timajaraha ugu dada wayn Caalamka waxa uu uuna ku nool yahay Magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Mr. Mancinelli ayaa hada jira 107 sano, balse waxa uu shaqadan timajaranimo bilaabay isagoo jira dada 11 sano sida uu warbaahinta u sheegay mar uu ka sheekaynayay tariikhdiisa.

Anthony Mancinelli waa nin aad xariif ugu ah jarida noocyada kala duwan ee timaha ee macaamiishiisu ay ka dalbadaan,waxaa la dhacsan qaabka uu ninkan timaha u jaro dad badan oo ku dhaqan magaalada New York  ee dalka Maraykanka.

“Uma ogolaado in shaqsi kale uu taabto Madaxayga waxaana ka jartaa timahayga ninka dad wayn ”sidaasi waxaa yiri Mr. O’Rourke oo ka mid ah Macaamiisha gaar ah ee Mancinelli.

Sanadkii 2007 Mr. Mancinelli oo jiray dada 96 waxaa lagu biiriyay buuga layaabka dunida lagu qoro ee (Guinness World Records) isgaoo noqday qofkii ugu dada waynaa ee Caalamka ee qabta shaqada timajaranimo.

Anthony Mancinelli ayaa ku dhashay Dalka Talyaaniga sanadku markuu ahaa 1911 balse waxa uu ka soo jeedaa dalka Maraykanka, halkaas oo qoyskiis ay u gureen isagoo jira sideed sano.

By Bile Beshir Mehbub (BBM)