Wa Maalin Talaado ah tariikhdu waa 09-bisha October sanadka 2018 waana maalinta 282 ee sanadkan waxaaana sanadkan ka haray oo kaliya 83 maalmood.

Hadaba aan dib idiin xusuusino qaar ka mid ah dhacdooyinki maanta oo kale Dunida ka dhacay waxaana ka mid ah :-

1992 –Maanta oo kale ciidamadi ugu horeeyay ee Maraykan ah ayaa gaaray dalka Somaaliya si ay u difacaan diyaarada gargaarka sida ee dalka Maraykanka.

2006 –Maanta oo kale dowlada Somaaliya oo kaashanaysa ciidamada Ethiopia ayaa ka qabsatay ururka Al-Shabaab magaalada Buurxakabo ee gobalka Bay.

2008-Maanta oo kale gashaanbuurta NATO ayaa ku biirtay howlgalka laga wado biyaha Somaaliya ee lagula dagaalamyo burcad badeeda Somaalida,  iyadoo u dirtay maraakiib dagaal .

1760-Maanta oo kale ciidamada Austria iyo Ruushka ayaa gudaha u galay magaalada Berlin ee caasimada dalka Jarmalka, iyagoo bilaabay in ay dab qabadsiyay xarumo muhiim ah.

1962 -Maanta oo kale dalka Uganda ayaa xornimadiisa ka qaatay guumaystihii Ingiriiska

1975-Maanta oo kale saynisyahanki midowgi soofiyeti Andrei Sakharov ayaa lagu la gudoonsiyay bilada nabad aduunka ee Nobel Peace Prize.

2004-Maanta oo kale bus siday dalxiisayaal Maraykanka ah ayaa ku gadoomay degaanka Arkansas ee dalka Maraykanka waxaana ku dhintay 15 qof.

2004-Maanta oo kale tageerayaasha wadaadki Muqtada al-Sadr ayaa ogolaaday in hubka ay ku wareejiyaan ciidamada boliiska dalka Ciraaq.

2005 –Maanta oo kale qof naftii halige ah ayaa 2 qof ku dilay dalka Ciraaq kadib markii uu isku qarxiyay dhismo Iraaniyintu ku leeyihiin dalkaasi Ciraaq.

1790-Maanta oo kale dhulgariir ku dhuftay waqooyiga dalka Algeria ayaa sababay dhimashada kumanaan ruux.

2006-Maanta oo kale dowlada Kuuriyada ayaa markii ugu horaysay tijaabisay bom nooca nucleerka ah.

2012-Maanta oo kale maleeshiyaad ka tirsan ururka Dalibaan ayaa isku dayay in ay qarajiyaan gabadha waxbarashada dumarka u olalaysa ee Malala Yousafzai.

Ku dhegayso Xubintan Barnaamijka Ogaalka-Dunida ee ka baxa idaacada Tusmo  maalin kasta marka laga reebo maalinta Axada ah, saacaduna tahay 3:00pm ilaa 4:00pm

By Bile Beshir Mehbub (BBM)