Manchester United ayaa martigelinaysa naadiga uu hoggaamiyo tababaraha guunka ah ee Rafa Benitez, waxaana lagu tilmaamay ciyaar ay United ku khasban tahay inay guul ka keento si ay u badbaadiso shaqada tababare Jose Mourinho.

Haddii Manchester United ay guul-darraysato, waxay u bixi doontaa toddobaad nasasho ah oo ciyaaraha caalamiga la ciyaari doono iyadoo ku jirta hoos ugu degtay kaalmaha hoose, waxaana ay ciyaartooyadu soo laaban doonaan iyadoo ay suurtogal tahay inay ugu yimaaddaan garoonka macallin cusub.

Guul-darro kale oo ay soo hoyso, waxay u noqon doontaa Manchester United waqtigeedii ugu xumaa tan iyo xili ciyaareedkii 1989/90 oo sidan oo kale ay guushu ugu adkaatay.

Xogta ciyaarta:

Ciyaarta: Manchester United vs Newcastle United

Garoonka: Old Trafford

Waqtiga: 7:30 PM

Garsooraha: Anthony Taylor.

Kulankii iskugu dambeeyey: Manchester 4-1 Newcastle

Shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Manchester United wax aka dhaawacan saddex ciyaaarood oo midkood muddo dheer uu jiitay, waxaanay mar kale seegayaan ciyaartan oo uu Jose Mourinho u baahnaaan lahaa inay usoo laabtaan si ay shaqadiisa u badbaadiyaan.

Xiddigaha Herrera, Lingard iyo Rojo ayaa la xarbiyaya inay caafimaad buuxda helaan, hase yeeshee United weli masoo bandhigin waqtiga ay suurtogalka tahay inay garoomada kusoo noqdaan.

Dhinaca Newcastle, waxa dhaawac ku seegaya ciyaartan labada laacib ee Lejeune iyo Rondon, hase yeeshee waxa iyagana uu shaki ku jiraa oo aan la hubin inay fursad heli doonaan labada ciyaartoy ee kale ee Dummett iyo Fernandez.

Shaxda suurtogalka ah ee labada kooxood

Manchester United: De Gea; Dalot, Smalling, Lindelof, Shaw; Fred, Pogba, Matic; Rashford, Sanchez, Lukaku.

Newcastle: Dubravka; Fernandez, Lascelles, Yedlin, Dummett; Diame, Shevley, Ritchie, Perez, Kenedy; Joselu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here