Wa Maalin Jimco ah tariikhdu waa 05-bisha October sanadka 2018 waana maalinta 278 ee sanadkan waxaaana sanadkan ka haray oo kaliya 87 maalmood.

Hadaba aan dib idiin xusuusino qaar ka mid ah dhacdooyinki maanta oo kale Dunida ka dhacay waxaana ka mid ah :-

2003-Maanta oo kale dalka Somaaliya waxaaa lagu dilay Annalena Tonelli oo ahaa dhakhtar Talyaani ah kaas oo mudo 33 sano ah ka shaqaynayay Somaaliya, isagoo lagu toogtay afaafka hore ee Isbitaalkiisa oo lagu dawayn jiray bukaanka qaba cudurka Qaaxada.

1991-Maanta oo kale diyaarad nooceedu ahaa C-130 oo laga lahaa dalka Indonesia ayaa burburtay iyadoona ay ku dhinteen 135 qof.

2007-Maanta oo kale kooxaha Islaamiyiinta Somaaliya ayaa ku dilay 5 qof weeerar bombaano oo ay ku qarxiyeen suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

1880-Maanta oo kale qalinki ugu horeeyay oo casri ah ayaa la soo saaray qalinkaas oo loo yaqiinay qalimadi wadajiray .

2014-Maanta oo kale Ciidamada dowlada Somaaliya oo ay tageerayaan kuwa AMISOM ayaa dib u qabsaday Magaalada Baraawe oo ahayd meel muhiim u ah dakhliga Al-Shabaab.

2004 –Maanta oo kale dowlada Iraan ayaa sheegtay in gantaaladeeda casriga ah ay gaari karaan 1,200 Miles, taas oo ka dhigan in guul ay ka gaadhay barnaamijkeeda bacriminta Hubka Nucleerka.

2006-Maanta oo kale gashaanbuurta NATO ayaa la wareegtay koonfurta Dalka Afghanistan iyadoo halkaasina la geeyay 12,000 oo askari oo Maraykan ah.

2013-Maanta oo kale cutubyo ka tirsan Ciidamada bada ee Maraykanka ayaa weerar ku qaaday Magaalada Baraawe, iyagoo bartilmaameedkoodu uu ahaa Cabdiqaadir Maxamad Cabdiqaadir oo ah Somaali Kenyaan ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

1948-Maanta oo kale dhulgariir xoogan oo ku dhuftay dalka Turkiga ayaa sababay dhimashada in ka badan 10,000 oo ruux iyo dhaawaca 110,000 oo kale.

1986-Maanta oo kale markii ugu horaysay ayaa la ogaaday in Israel ay leedahay goobo qarsoodi ah oo lagu sameeyo hubka Nucleerka.

Ku dhegayso Xubintan Barnaamijka Ogaalka-Dunida ee ka baxa idaacada Tusmo  maalin kasta marka laga reebo maalinta Axada ah, saacaduna tahay 3:00pm ilaa 4:00pm

By Bile Beshir Mehbub