Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa ayaa sheegtay in Muqtaar Roobow uusan buuxin shuruudihii looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Caalamiga ah ee saarnayd, taasina ay ka reebayso inuu isku soo sharaxo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

War saxafadeed ka soo baxay wasaarada amniga ayaa lagu sheegay in dowlada Somaaliya oo ilaalinaysa heshiisyada iyo iskaashiga beesha Caalamka ee la dagaalanka aragagaxisadda ay ka hor istaagtay Mukhtaar Roobow in uu isku soo sharaxo madaxweynaha koonfur galbeed, maadama wali ay saran yihiin cunaqabataymo Caalami ah.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Mukhtaar Roobow  uu shalay gaadhay magaalada Baydhabo, islamarkaana halkaasi kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Hoos ka akhriso War Saxafadeedka Wasaarada amniga Somalia