Wararka aan ka heleyno agagaarka warshadii hore ee Baastada ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo waramaya  in halkaasi uu ka dhacay qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu dhacay waxyar ka hor markii ay halkaasi mareen kolonyo ka tirsan Ciidamada howlgalka AMISOM.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen inay maqleen jug xoogan, intaasi kadibna ay arkeen uuro cirka isku shareertay

Waxaa la sheegay qaraxan inay waxyeeloobeen laba qof oo shacab ah, inkastoo khasaaraha rasmiga ah aanan la ogeyn.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay ka wadaan sidii looga daba tagi lahaa raggii weerarkan ka dambeeyay.