Kooxda Barcelona ayuu soo food saaray dhirbaaxo xun kadib dhaawacii soo gaadhay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda ee Luis Suarez kaas oo uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii ay Barcelona guusha ka gaadhay kooxda Tottenham tartankii ka tirsanaa champions League.

Suarez ayaa laga saaray kulankii Wembley ka dhacay kana tirsanaa champions League isaga oo dhamaysan kari waayay kulankii ay Barcelona 4/2 ku garaacday kooxda Tottenham.

Sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo Suarez ayaa maanta mari doona baadhitaan lagu ogaan doono nooca dhaawaca soo gaadhay xiddiga weerarka ka ciyaara.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhaawaca xiddiga xiddiga soo gaadhay yahay dhibaato ka soo gaadhay jilibka oo uu dhaawac ka soo gaadhay xilli ciyaareedkii hore laakiin laga daayay in uu qaliin maro sababo la xiriira koobkii adduunka.

Wargayska ayaa sheegaya in baadhitaanka uu mari doono xiddigu maanta in uu go,aamin doono nooca dhabta ah ee dhaawac soo gaadhay xiddiga reer Uruguay.

Waxa uu shaki weyn ku jiraa in uu Suarez ka qayb qaadan karo kulanka ay kooxda Barcelona la ciyaari doonto kooxda Valencia Axada kulan ka tirsan horyaalka La Liga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here