Wadahadaladi u dhaxeeyay Guddiga Adeegga Macallimiinta iyo Ururka qaran ee ay ku bahoobeen Macalimiinta dalka ee KNUT ayaa ku soo dhamaaday burbur, iyadoo laga cabsi qabo in markale macalimiintu ay shaqa joojin sameeyaan.

Wadahadalada ayaa la isku maandhaafay kadib markii ururka macalimiinta uu soo bandhigay liiska 85 macalin oo ay dalbadeen in laga laabto boos badalka shaqo ee lagu sameeyay, arintaas oo gudiga adeega macalimiintuna uu ku gacansayray.

85 Maamulayaal dugsi ah oo ka tirsan ururka barayaasha ee KNUT ayaa laga wareejiyay goobahoodi shaqo sanadkan gudihiisa iyadoo la geeyay goobo cusub.

Ururka Macalimiinta iyo gudiga adeega qaran ee barayaasha ayaa la filaya in ay yeshaan kulamo kale madaama laysku fahmi wayay shirkii shanta cisho uga socday magaalada Naivasha ee Ismamulka Nakuru.

Madaxa fulinta guddiga adeega macalimiinta ee TSC Nancy Macharia ayaa sheegtay in wadahadalka hormar laga gaaray sheegtayna in la isku afgartay dhinacyo badan, balse Xoghayaha ururka KNUT ayaa dhankiisa sheegay in hormar la taaban karo aan wali laga gaarin Kulanka labada dhinac.