Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga ayaa fariin tacsi ah u diray qoyski iyo qarabadii uu ka baxay Joseph Kamaru oo ahaa Muusikiiste caan ka ah dalka, kaas oo xaalad cafimaad daro u geeriyooday.

Madaxweyne Kenyatta ayaa ku tilmaamay geerida Joseph Kamaru in ay tahay mid naxdin leh isagoo sheegay in saaxada fanka uu ka baxay shaqsi muhiim ah.

Mr. Kamaru ayaa ku geeriyooday ispitaalka Mp Shah hospital halkaas oo xaladiisa cafimaad ay dhakhaatiirtu kula tacalayeen tan iyo maalinti isniinta ahayd.

Joseph Kamaru ayaa ka soo jeeda Magaalada Kangema ee Ismaamulka Murang’a isagoo dhashay sanadkii 1939, balse waxa uu masraxa fanka ku  soo biiray sanadkii 1956.

Muusikiistaha ayaa ku dhintay dada 79ka balse waxay shacabka Kenyaanka ah ku xasuusan doonaan doorki uu ka ciyaaray inka badan 2,000 oo heesood oo uu soo saaray inti uu hobolka fanka ku jiray.