Dowlada ayaa shaqada ka joojisay islamarkaana Malaayiin ganaax ah dul dhigtay laba Shirkadood oo u xilsaarnaa baarista iyo xaqiijinta tayada badeecooyinka dalka soo gala.

Labadan shirkadood ee shaqada laga fadhiisiyay ayaa kala ah shirkada laga leeyahay Dalka Shiinaha ee CCIC iyo SGS oo iyana laga leeyahay dalka Switzerland, waxaana lagu eedeeyay labaduba in ay ku guul daraysteen hubinta tayada bedeecooyin dalka soo galay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadeynta Peter Munya ayaa sheegay in shirkadahan shaqada laga fadhiisiyay ay u xilsaarnayeen hubinta tayada badeecooyinka ka yimaada Dalalka Shiinaha,Indonesia, Malaysia, Vietnam iyo Thailand, balse waxa uu ku eedeeyay in ay gacan ka gasteen fududaynta badeecooyin aan tayo wanaagsanayn oo suuqyada lagu soo fasaxay.

Bishii April ee sanadkan ayay ahayd markii dowlada ay uga digtay dhamaan shirkaddaha u xilsaaran hubinta tayada in ay fududeeyaan soo galinta badeecooyin aan tayo wanaagsanayn.