Maxkamada ku taala Magaalada Ras Al Khaimah ee dalka Isutaga Imaaradka Carabta ayaa xukun saddex bilood ah ku riday haweenay kadib markii ay fiirisay tellfoonka Saygeeda.

Haweenaydan oo magaceeda aan la shaacin ayaa la sheegay in ninkeeda oo jiifa ay la soo baxday tellfoonkiisa kadibna isha marisay baraha bulshada ee uu isticmaalo, iyadoo markii dambena tellfoonkeda ku dirsatay qaar ka mid ah sawiradi iyo qoraaladii ay is waydaarsadeen qaar ka mid ah asxaabtiisa oo dumar ahaa.

Sayga ay u dhaxdo gabadha ayaa dacwad ka dhan ah falka ay ku kacday xaaskiisa u gudbiyay saldhiga boliiska Magaalada Ras Al Khaimah arintaas oo keentay markii dambe in gabadha la horgeeyo maxkamada.

Gabadha ayaa maxkamada ka horsheegtay in saygeeda uu markii hore siyay number sireedka Tellfoonkiisa, uuna hada ka hor u  ogolaaday in ay eegto tellkiisa kadib marki  ay ku qabatay isagoo la sheekaysanaya Dumar kale.

Sharciga dalka Imraadka Carabta ayaa dhigaya in bilaa fasax aadan akhrisan karin maclumaadka qof kale iyadoo ay xusid mudantahay in xitaa walidiintu aysan eegi karin maclumaadka caruurta bilaa fasax kol hadii ay qaangadhaan.

Qanuunada Imraadka Carabta ayaa sidoo kale qaba in qofki ku xadgudba maclumaadka shaqsiyadeed ee qof kale uu mutaysan karo xabsi dhan lix bilood iyo ganaax lacageed oo dhan 150,000 oo Dirham.

By Bile Beshir Mehbub