Waa maalin Arbaco ah taarikhuduna ay ku beegantahay 3 bisha October sanadka 2018, Waana maalinta 276 ee sanadkan waxaana sanadka ka haray oo qura 89 maalmood.

Hadaba aan dib idiin xusuusino qaar ka mid ah dhacdooyinki maanta oo kale Dunida ka dhacay waxaana ka mid ah :-

1993- Maanta oo kale Ciidamada Mareykanka ayaa waxay ku guul dareysteen in ay qabtaan xubno ka tirsanaa ururkii uu hogaaminayay madaxweynihii Somaali Mohamed Farah Caydiid iyadoo howlgalkasina ay ku dhinteen 18 askari oo Mareykan ah iyo 350 Somaali ah.

1932- Maanta oo kale dalka  Iraaq ayaa xornimadeeda ka qaadatay dowlada Ingoriiska.

1991- Maanta oo kale madaxweynihii Mareykanka Bill Clinton ayaa ka biiray tartanka doorashada Madaxnimo ee dalka Maraykanka.

1392- Maanta oo kale Mohamed VII ayaa noqday boqorka 12’aad ee gobalka Granada ee ka tirsan dalka Spain.

2013- Maanta oo kale 134 qof oo muhaajiriin ah ayaa dhintay kadib markii doonidi siday ay ku dagtay jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

1952- Maanta oo kale Boqortooyadi Ingiriiska ayaa ku guulaysatay tijaabo dhanka Nucliyeerka ah, iyadoo noqotay dalkii saddexaad marka laga soo tago Maraykanka iyo Midowgii Sofeeyeeti.

1935-Maanta oo kale dowlada Talyaaniga iyo Ethiopia ayaa waxaa dhexmaray dagaal kadib markii Talyaaniga uu weerar ku ekeeyay dalkaasi.

By, Canab Cabdiraxmaan Yuusuf 
Facebook Comments