Kulamo Xiiso badan ayaa caawa laga Ciyaarayaa koobka horyaalada qaarada yurub inkastoo natiijooyin cajiib ah ay kasoo baxeen.

Sikastaba Kooxda Kubadda cagta Manchester city ayaa kasoo laabtay gool uu dhaliyay Weeraryahanka Naadiga Hoffenheim Belfodil.

Goolka Barbar-dhaca kooxda uu Hogaamiyo Macalin Guardiola waxaa u ansixiyay Ciyaaryahan Sergio Aguero halka goolka guusha uu waqti dambe dhaliyay David Silva.

Dhanka kale Kooxaha young boys iyo Juventus ayaa si lamid ah ciyaartooyda ay soo idlaatay Waxaana kooxda Bianconeri ay ku adkaatay 3 gool iyo 0.

Seddexda gool ee kooxda the old lady waxaa u Dhaliyay Paulo Dybala waxaana ciyaaryahanka reer Argentina uu soo bandhigay ciyaar qurux badan.

Juventus safkeeda caawa waxaa ka maqnaa Cristiano Ronaldo kaasi oo Casaan qaatay ciyaartii kooxdiisu ay wajahday Naadiga Valencia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here