Dowlada ayaa bandow ku soo rogtay degaanka Olposimoru ee ismaamulka Narok halkaas oo maalmo ka hor ay ka dhaceen iska hor imaadyo u dhaxeeyo laba maleeshiyo beleed .

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo badan oo boliis ah la geeyay degaanada ay beeluhu ku dagalamayaan iyadoo sidoo kale aad loo adkeeyay amaanka goobihi horay laysugu fara saaray.

Isniinti ayay ahayd markii 21 qof ay ku dhaawacmeen rabshado u dhaxeeyay laba Maleeshiyo beleed oo ka soo kala jeeda qoomiyadaha Maasai iyo Kipsigis, kuwaas oo ka dhacay degaanadda Olpusimoru  iyo Olenguruoni ee Ismaamulka Narok.

Dowlada ayaa horay u sheegtay in dagaaladan ka soo cusboonaday Ismaamulka Narok  in ay yihiin kuwa ay hurinayaan siyaasiinta gobalka.