Wadahadalo u dhaxeeyay Shirkada isgaarsiinta dalka Koonfur Africa ee Vodacom iyo mid ka mid ah shaqalaheedi hore ahaana shaqsigi alifay adeega Please call me ( Fadlan isoo wac) kaas oo dalbanaya in la siiyo lacag magdhow ah oo dhan 45 Billion, ayaa wali laysku mari layahay sida uu qorayo wargayska the stanadrad ee dalka ka soo baxa.

Adeega fadlan dib isoo wac ayaa u ogolaanaya in qofka ay lacagtu ka dhamaato in uu  fariin lacag la’aan ah u diri karo macaamiil kale oo isticmaalaya adeegyadda Shirkadaha Vodacom ama Safaricom

Kenneth Makate oo ah maskaxdi curisay adeega Fadlan isoo wac ayaa mudo  ka shaqayn jiray shirkada isgaarsiinta ee Vodacom isagoo ahaa xisaabiye xiliga uu curinayay adeegan.

Mr.  Makate  oo mudo wada hadal la lahaa qareenada shirkada Vodacom ayaa kadib marki ay guul daraysteen wadahadalada waxa uu hada go’aansaday in kiiska uu horgeeyo Maxkamada si looga qaado lacag magdhow ah shirkada Vodacom.

Waxaa hada laga jooga mudo laba sano ah markii uu ku guulaystay Mr Makate xuquuqda adeegan lakiin wali ma uusan helin lacagta magdhowga ah ee uu raadinayo maxkamaduna ay amartay in shirkada in ninkan ay wadahadlaan si ay heshiis buuxa u garaan.

Muhandas Kenneth Makate ayaa sheegay in uu ku fikiray in uu sameeyo adeegan madaama gabar ay xiriir wadaag ahayeen oo joogtay meel 2000 KM, wicitaanaduna ay qaali ka ahayeen xageeda uu go’ansaday in uu sameeyo adeegan si ay ugu soo dirto fariin gaaban oo ah fadlan isoo wac si uu dib ugu waco.

Adeega Fadlan isoo wac ( Please call me) ayaa caan ka ah dalkani Kenya gaar ahaan Shirkada isgaarsiinta dalka ugu balaadhan ee  Safaricom, taas oo boqolkiiba 35 ay leedahay shirkada Vodacom.

By Bile Beshir Mehbub