Labada koox ayaa rajeynaya inay xili ciyaareedkaan ku dagaalamaan hanashada horyaalka Premier League, iyadoo Mauricio Pochettino uu kamid dhigay Tottenham kooxaha ugu awooda badan Ingiriiska.

Spurs ayaan awoodi doonin inay kusoo dhaweyso Liverpool garoonkeeda cusub, sabab la xiriirta dhismaha garoonka oo wali socda.

Sidaasi darteed labada kooxood ayaa isku arki doona garoonka galbeedka London ku yaala ee Wembley kaasoo marti ahaan ay ugu ciyaarto kooxda Tottenham.

Labada kooxood ayaa kulmay 52 jeer oo Premier League, Liverpool ayaana badisay 23 kamid ah kulamadaas, iyadoo todobo kamid ah guulahaas ay ku gaartay garoonka Spurs.

Tottenham ayaa 14 jeer ku garaacday Liverpool kulamada Premier League, waxaana 12 kamid ah kulamadaas ay ku garaaceen Reds garoonkooda.

Markii ugu dambeysay ee Spurs ay martigeliso Liverpool, kooxda Waqooyiga London ka dhisan ayaa 4-1 ku garaacday Reds bishii October ee sannadkii hore.

Kulankaan ayaa la daawandoonaa sacaadu marka ay tahay 2:30 pM MAANTA oo sabti ah.

Kulamada kale ee la ciyaarayo

Manchester City vs Fulham- 5:00 PM

Chelsea vs Cardiff City-  5:00 PM

Arsenal vs Newcastle-    5:00 PM

Man Utd vs Watford-     7:30 PM