Ku xigeenka Madaxa Cadaalada Waddanka Kenya Haweeneyda Lagu Magacaabo Philomena Mwilu oo shalay galinkii dambe xabsiga loo dhaadhiciyay ayaa lagu sii dayay lacag damiin oo dhan 5 Million oo shilinka dalka ah.

Mss. Mwilu ayaa lagu soo eedeeyay  eedaymo la xariira musuq maasuq iyo wax isdaba marin, waxaana loo madalsanyahay in maanta ay hortagto maxkamada si uu u sii socdo dhegaysiga dacwadaha ka dhanka ah.

Bilihi u dambeeyay gudiga anshaxa iyo la dagaalanka musuq maasuqa ayaa sare u qaaday baacsiga ka dhanka ah masuuliyiinta musuq maasuqa loo haysto ee dowlada ka tirsan.