13 qof oo ay ku jiraan ciyaal iskuulay ayaa ku dhintay halka 9 kalena ay ku dhawacmeen kadib markii shil uu galay gaari nooca Matatu oo ku safrayay wadada weyn ee isku xirta Magaalooyinka Nairobi iyo Nakuru.

Dad goobjoyaal ah ayaa warfidiyeenada u xaqiijiyay in gaariga Matatu oo ku sii jeeday galbeedka Nairobi uu ku dhacday gaari xamuul oo isna ku sii jeeday dhanka magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Mr John Kamande, oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga ayaa sheegaya in dadka intiisa badan ay ku dhinteen goobtu uu shilku ka dhacay halka 3 qofna ay ku dhinteen ispitaalka gudihiisa xili xaaladooda cafimaad lala tacaalayay.

Shilkan ayaa noqonaya kii labaad ee mudo 48 sacadood gudahooda dhaca, waxaana sidan oo kale shalay shil ka dhacay  ismaamulka Kericho ku dhintay 4 qof halka tiro kalena ay ku dhawacmeen.