Kooxda kubadda cagta Bayern Munichen, ayaa guul ku billaabatay difaacashada horyaalka Jarmalka kadib markii ay 3-1 ku garaacday kooxda Hoffenheim, kulan medaddaalo badan lahaa.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee uu horyaalka ku hoggaamiyo kooxdan macallinkooda cusub ee Niko Kovac, ayaa waxaa saameyn ku lahaa garsooraha VAR ee video-ga oo sanadkan loo isticmaali doono horyaalka Jarmalka.

Thomas Muller ayaa goolka koowaad madaxa ugu dhaliyay Bayern ka hor inta uusan barbarreyn xiddigga Szalai.

Lewandoski ayaa rigoore lagu cel-celiyay hoggaanka ugu dhiibay kooxda Munich, halka Robben uu goolka seddexaad kusoo xiray ciyaarta.