Wasiirada arimaha dibada dalkani Kenya Monica Juma ayaa booqasho ku tagtay magaalada Washington ee dalka Maraykanka si ay wadada ugu sii xaadho wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo booqasho ku tagi doono dalkaasi maalinta isniinta ah ee soo socota.

Dr Juma ayaa sidoo kale kulamo la qaadatay masuuliyiin ka tirsan dowlada Maraykanka oo uu ka mid yahay xoghayaha arimaha dibada Michael Pompeo, kulamadaas oo diirada lagu saaray xiriirka ka dhaxeeya laba dowladood.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in maalinta isniinta ah uu isna kulan la qaato dhigiisa dalka Maraykanka Donald Trump, kulankaas oo diirada lagu saari doono xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya laba dowladood ee dhinacyada ganacsiga iyo amniga.

Madaxwynaha dalka ayaa dhawaan casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Maraykanka Donald Trump.