Qareenkii dhawaan la masaafuriyay ee  Miguna Miguna ayaa shaaca ka qaaday in uu dib ugu soo laaban doono dalka 4 bisha September ee soo socota.

Mr. Miguna ayaa wali ku adkaysanaya in dastuurka dalka uu u ogalyahay in uu haysto laba dhalaso, sidaa darteedna aysan cidna ka hor istaagi karin in uu dalka dib ugu soo laabto.

Qareenka ayaa bartiisa gaarka ah ku sheegay in dalka uu soo gaari doono isalamarkaana aysan ka hor istaagi karin dad uu ku tilmaamay fulayaal.

Qareenka ahna siyaasiga Miguna Miguna ayaa dalka si xoog ah lagaga masaafuriyay laba jeer kadib markii uu u dhaariyay hogaamiyaha mucaadka Raila Odinga madaxweynanimo kadib doorasho natiijadeeda lagu murmay ee dalka ka dhacday sanadki tagay.