Kooxda Real Madrid ayaa qiimeyneysa xaaladda kooxda PSG oo hadda ku socda baaritaan la xiriira inay ku xad-gudubtay sharciga dhaqaala-wanaagga ee FFP.

Jariiradda AS ee kasoo baxda Spain, ayaa sheegeysa in UEFA ay baaritaanka ay ku heyso PSG ay soo gaba-gabeyn doonto 30-ka bishaan oo ah hal maalin ka hor xiritaanka suuqa kala-iibsiga ciyaartoyda.

PSG ayaa amaah sanadkii hore kusoo qaadatay Mbappe, balse 180 milyan oo Yuuro ku iibsaneyso sanadkan. Haddii dambiga lagu helo PSG waxey ku qasbanaan doontaa in Mbappe ay dib ugu celiso Monaco ama ay iska iibiso Neymar oo ku fadhiya 222 milyan oo Yuro.

Real Madrid ayaa dooneysa in ay ka faaíideysto ganaaxa PSG oo ay la wareegto Mbappe ama Neymar, xilli ay wali raadineyso xiddig weyn oo beddela C.Ronaldo oo ku biiray Juventus.