Laba Millyan oo Muslimiin ayaa maanta  bilaabay in ay istagaan buurta Carafo mudo kooban kadib markii ay soo baxday qoraxda maanta oo isniin ah,  iyagoo gudanaya mid ka mid ah rukniyada ugu muhiimsan wajibaadka Xajka.

In la istaago banka Carafo ilaa qoraxdu ay ka dhacdo maalinta sagaalaad ee bisha Dul Hijjah ayaa ah mid ka mid ah rukniyada ugu muhiimsan ee xajka uusan ansaxayn ilaa lala yimaado ma ahane.

Xujaydda ayaa sidoo kale lagu wada in salaada duhur iyo Casar ay si wada jir ugu tukadaan Namira, waxaa sidoo kale xujaydu ay ku luuqayn donaan ducada “Labbayk Allahumma Labbayk”.

Maalintan carafo ayaa ah maalin uu Allah u cafis u fidiyo adoomihiisa kana cafiyo dambiyadii ay galeen sanadkii la soo dhaafay iyo kan soo socdaba, sida uu wariyay  Nabigeena Muxamad ah (NNKH).

Muslimiinta aan gudanayn wajibaadka Xajka ayaa Iyana sidoo kale maanta sooman iyagoo raadinaya raali ahaanshaha iyo dambi dhaafka Alle uu maanta Alle adoomihiisa ku manaysanayo.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in sanadkan si wanaagsan ay ugu diyaar garowday sugida amniga Xujayada iyo in aysan dhicin isbuurasho sidii horay u dhacday Saddex sano ka hor xiligaas oo 2,300 oo xujay ah ay dhinteen.

By Bile Beshir Mehbub