Edward Ouko oo ah Hanti dhowraha guud ee dalka ayaa sheegay in ay heleen maclumaad ku aadan in gawaari ay leedahay  wasaaradda shaqaalaha iyo daryeelka bulshada lagu iibiyay qiimo aad ujaban.

Mr. Ouko ayaa oo hadalkisa sii wata ayaa xusay in baabuurta la iibiyay oo tiro ahaan gaaraya 17 baabuur lagu gaday qiimo dhan 32,000 oo shilinka dalka ah qimaahaas oo ku tilmaamay mid aad u hoseeyo, waxa uuna sidoo kale xusay in musuq maasuq uu ka dhex jiro wasaarada.

Xafiiska hanti dhowraha guud ee dalka ayaa warbixintiisa ku sheegay in hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Adan bare ducaale oo warbixnta hor dhigay golaha baarlamaanka dalka, isagoo intaasi ku sii daray in musuq maasuq

Xildhibaanka degaanka Ugunja ahna guddoomiyaha guddiga xisabaadka ee baarlamaanka Opiyo Wandayi ayaa sheegay in iibinta baabuurtan aysan ahayn xaraash,  balse arintan ay soo abaabuleen shaqsiyaad doonayay in ay qiimo hooseya kula waregaan baabuurta dowlada, isagoo intaasi ku sii daray in ay tahay arin aan la aqbali karin.

Fadeexdan cusub ee la xariirta in baabuur dowladeed lagu iibiyay qiimo aad u jaban ayaa imaanaya xili maalmihi dambe sare loo qaaday baacsiga ka dhanka ah shaqsiyaadka lagu eedaynayo in ay ku kaceen falal musuq maasuq la xariira.