Kooxda Real Madrid oo billaabeysa nolol cusub kadib markii uu ka tagay C.Ronaldo, ayaa guul ku billaabatay horyaalka spain, markii ay 2-0 ku garaacday kooxda Getafe.

Dani Carvahal, ayaa goolka koowaad u dhaliyay kooxda Madrid, kadib markii uu kasoo shaqeyyay Gareth Bale. Goolka labaad ayaa waxaa si qurux badan u dhaliyay Bale kadib markii uu kasoo shaqeeyay Marco Assensio.

Inkastoo Casemiro iyo Modric aysan kusoo billaaban ciyaarta, ayaa haddana Real waxey u ciyaartay si wanaagsan.

Guushan ayaa imaaneysa kagadaal markii shaki la galiyay qaabka ay Real Madrid wajihi karto xilli-ciyaaredkan, bacdamaa guul-darro 4-2 ah ay kala kulantay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletio Madrid finalka koobka Super Cup-ka Yurub.