Hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka laga soo doorto bartamaha degmada Garissa Adan Bare Ducaale ayaa dalbanaya in baritaan lagu sameeyo hadalkii Qaadiga Muslimiinta Kenya Kadhi Ahmed Muhdhar uu ku khilaafay hadalka wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dalka Fred Matiang’i ee ahaa in maalinta taladada ah tariikhduna ay ku beegantahay 21 bisha August loo dabaal degi doono maalinta kowaad ee Ciidul adxaha.

Mr. Duale ayaa ku eedeyay Kadhi Sheikh Ahmed Muhdhar in uu ku takrifalayo xafiiskiisa sidoo kale uu abuurayo kala qaybsanaan Muslimiinta dhexdooda ah.

Maalinti jimcada ayay ahayd markii Dr. Matiang’i uu shaaciyay in maalinta taladada ah ay tahay fasax qaran madaama muslimiintu ay u dabaal dagayaan ciidul adxaha, waxaana hadalkaas beeniyay kana soo horjeestay Qaadiga muslimiinta Kenya Kadhi Ahmed Muhdhar, iyo sidoo kale xoghayaha Ururuka majmacada culumada iyo imaamyada dalkani Kenya Sheikh Badru Khamis, kuwaas  oo sheegay in ciidu ay noqon doonto 22 bisha Aagust marka loo eego tariikhda islaamka.