Madaxweyne ku-xigeenka dalka, Wilium Ruto ayaa ka codsaday hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ANC, Musalia Mudavadi, in uu ku taageero ololihiisa doorashada madaxtinnimo ee 2022-ka.

Ruto ayaa ku tilmaamay Mudavadi nin ay waqti dheer saaxiibbo ahaayeen, kuna kalsoon yahay, islamarkaana ka caawin karo in uu noqdo madaxweynaha dalka 2022-ka.

Labada nin ayaa horey saaxiibbo ugu ahaa xisbiga ODM, waxeyna ka mid ahaayeen caawiyayaasha Rail Odinga, doorashadii rabshadaha ka dhasheen ee 2007-dii.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ANC, Musalia Mudavadi ayaanan la ogeyn in uu taageeri doono Ruto doorashada soo socota kadib markii uu qudhiisa horey u sheegay in uu doonayo in uu tartamo.

Mudavadi ayaa horey u sheegay in doorashada xigta uu u tartami doono kursiga sare ee madaxtinnimada, kadib markii uu taageeray Raila Odinga 2007-dii iyo 2017-kii.