Qaaddiga guud ee dalka, Axmed Muhdhar, ayaa kasoo horjeystay go’aankii uu wasiirka arrimaha gudaha, Fred Matiangi, ugu dhawaaqay fasaxa shaqaalaha maalinta Talaadada ah, debbaal-degga Ciidul-Adxa darteed.

Qaaddiga ayaa sheegay in aanan la qaadan taladiisa oo ahayd in fasaxa lagu beego Arbacada oo taariikhda ku began 22-ka August, beddelkii Talaada laga dhigi lahaa, isagoo xusay in cuuddu ay ku began tahay Arbacada.

Ahmed Muhdhar, qaaddiga guud ee dalka, oo la hadlayay jariiradda The Star, ayaa sheegay in dadka ciidaya Talaadada ay raacayaan waqtiga Sucuudiga, balse Kalaandarka dalkan Kenya uu tilmaamayo in ciiddu tahay Arbacada.

Qaadiga ayaa xusay in wasiirku leeyahay go’aanka ugu dambeeyo ee fasaxa shaqaalaha balse ay habbooneyd in isaga taladiisa la qaato, isagoo xusay in wasiirku uu kala hadlay arrintaan.

Matiangi, wasiirka arimaha gudaha, ayaa shalay ku dhawaaqay in maalinta Talaadada oo ku began 21-ka bishaan la fasaxayo dhamaan shaqaalaha iyadoo loo aqoonsaday in ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul-Adxa.