Lionel Messi ayaa xalay ka caawiyay kooxdiisa Barcelona in ay guul ku billaabato difaacashada horyaalka Spain kadib markii uu laba gool ku lahaa guushii 3-0 ay uga badiyeen kooxda Deportivo Alaves.

Coutinho ayaa goolka kale u dhaliyay kooxda Barca, oo xalay soo saftay xiddagaheeda cusub ee Arturo Vidal iyo Arthur.

Goolka koowaad ee Messi ayaa ahaa kii 6 kunaad oo Barca ka dhalisyo horyaalka Spain ee La Liga. Sidoo kale Messi wuxuu 8 sano ka hor nasiib u yeeshay in uu dhaliyo goolkii 5 kunaad ee Barca ka dhaliso La Liga.

Labada gool ee Messi ayaa ka dhigan in xilli-ciyaareedkii 15-aad oo isku xigta uu gool ka dhalinaayo La Liga.