Koox dumar iskaashato ah oo ku nool magaalada Gaarissa ayaa billaabay ganacsi ay ku soo saarayaan agabyo kala duwan oo ay iyagu sameeyaan.

Kooxdan dumarka ah oo ka kooban 40 qof, ayaa soo saara agabyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Shaambada qubeyska, saliidda Timaha, basbaas gascadeysan, yaanyo gascadeysan iyo agabyo kale.

Haweenkan oo aanan heysan maal-gelin, oo la hdlay idaacadda TusmoFM, ayaa ka codsaday maamulka Gaarissa, in ay u sameeyaan maal-gelin iyo suuq geyn.

Kooxdan dumarka ah, ayaa sheegay in aysan heysanin caawinaad badan balse ay sameeyaan wax-soosaar lagu kalsoonaan karo.

Bulshada wax heysata, cusbitaallada waaweyn, ganacsatada iyo maamulka Koontiga Gaarissa ayay ka dalbadeen in lagu caawiyo wax-soosaarkooda.

Dumarkan ayaa sheegay in ay isugu jiraan qeybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana ay la tacaalayaan maareynta noloshooda iyo tan qoyskooda.