Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyrre, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha xarunta hoggaanka dambe baarista ciidanka Bloosika ee CID,da oo dayactir lagu sameeyay.

Barnaamijka IS-XILQAAN oo ah barnaamij si iskaa-wax-uqabso ah loogu dhisaayo xarumaha dowladda ee burbursan, ayaa lagu dhisay xaruntan, sida uu sheegay wasiirka amniga gudaha Axmed Abuukar Islow (Ducaale).

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay ciidanka booliska inay noqdeen dadkii ugu horreeyay ee barnaamijkan hir-geliyay.

Raíisul Wasaare Kheyrre ayaa booqday dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay xarunta cusub ee dayactirka lagu sameeyay, isagoo qiimeeyay qalabka baarista ee goobta yaalla.

Wasiirro, guddoomiyaha maxkamadda Sare, guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamada iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay xafladda xarig jarka ee manta.