Heyádda garoomada diyaaradaha Kenya ee KAA, ayaa xaqiijisay in xalay cillad xagga nalalka ah ay ku timid run-way-ga garoonka diyaaradaha ee magaalada Kisimu.

Angela Tilitea, oo ah madaxa xiriirka dadweynaha ee KAA, ayaa sheegtay in xalay la kansalay laba falaayt oo ay sameyn lahaayeen diyaaradaha Jambojet iyo Fly540 kuwaas oo kusoo wajahnaa Nairobi.

Angela ayaa sheegtay in cillad xagga nalalka ah ku timid run-wayga ay ku cararaan diyaaradaha taas oo sababtay in howlaha airporta-ka uu hakad galo waqti kooban, balse saakay ay caadi kusoo noqotay.

Hadalka kasoo baxay heyádda garoomada diyaaradaha Kenya ee KAA, ayaa imaanaya kadib markii maamulka garoonka Kisimu uu goor sii horreysay oo saakay ah uu beeniyay in cillad ay ku timid xalay garoonka.

Labadii safar ee xalay baaqday ayaa saakay si caadi ah usoo duulay.

Angela Tilitea, oo ah madaxa xiriirka dadweynaha ee KAA, waxey sheegtay in diyaaradda Jambojet ay ku wargeliyeen cilladda isla xalay, balse maamulka diyaaradda aaney xogtaas la wadaagin macaamiisheeda safarka ku qornaa.