Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in toddobaadkan ayaa soo bandhigi doonto diyaarad cusub oo nuuca dagaalka ah.

Wasiirka difaaca Iiraan, Amiir Xatami ayaa shaaciyay in Arbcada soo socoto ay soo bandhigi doonaan diyaarad cusub oo casri ah oo nuuca dagaalka ah.

Diyaaradda ayaa lagu sameeyay gudaha dalka iiraan.

Wasiirka ayaa sheegay in soo bandhigidda diyaaraddan ay qeyb ka tahay horumarinta tayada hubkooda.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu sii xumaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeyay Iiraan iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa cuna-qabatayn cusub kusoo rogay Iiraan, isla markaana ka bxay heshiis ay horey Iiraan ula gashay dalalka quwadaha waaweyn ee Maraykanka iyo Yurub, kaas oo ku aaddaaa joojinta horumarinta Nucliyeerka iiraan.