Wararka laga helaayo magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in ciidamo Militeri ah ay manta gaareen magaaladaasi.

Ciidamada oo shalay ilaa xalay joogay magaalada Shalaanbood, ayaa waxaa hoggaaminaya Cabdullaahi Caanood oo dhowaan laga qaaday xilkii abaanduulaha ciidamada xoogga dalka.

Koloneel Cabdullaahi Shoodhe, oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho, ayaa sheegay in si nabad ah ay magaalada u galeen, isla markaana aaney la kulmin wax iska caabbin ah.

Jawiga magaalada ayuu sheegay in uu daggan yahay.

Lama oga ilaa hadda ujeeddada rasmiga ah ee ciidamadan ay u tageen Marko iyo in ay kasii gudbi doonaan iyo in kale.