Macallinka Manchester United, Jose Mourinho, ayaa sheegay in uusan wax dhib ah ku qabin xiddiggiisa Paul Pogba, kadib hadal-heyn badan oo la xiriirtay xiriirka labada nin oo aan wanaagsaneyn.

Pogba ayaa lala xiriirnaayay kooxda Barcelona, waxaana shaki badan uu ka dhashay hadal uu warbaahinta ka jeediyay asbuucii hore guushii Leicester ay ka gaareen kadib, taas oo laga dhadhansanayay in aanu kooxda ku faraxsaneyn.

“Waxaan halkaan wada joognaa laba sano iyo dhowr asbuuc. Ma jirto xilli aan hadda kaga farxad badanahay la shaqeyntiisa” ayuu yiri Mourinho oo ka hadlayay shirka jaraa’d ee ciyaarta ka horreeya.

“Wuxuu u ciyaaraayaa si wanaagsan, wuxu farxda gelinaayaa taageereyaasha, ma jirto wax intaas ka badan oo aan ka dalbanaayo”ayuu sii raaciyay macallinka reer Portugal.