5 qof ayaa ku dhintay halka 8 kalena ay ku dhawacmeen kadib markii shil gaadhi uu ka dhacay degaanka Kianungu sida masuuliyiinta Boliisku ay xaqiijiyeen.

Dadka dhawacmay ayaa loo qaaday ispitaalka Nyahururu halkaas oo xaladooda cafimaadkooda lagula tacaalayo, balse dhaqaatiirta ayaa sheegaya in qaarkood dhawacyadooda ay fudud yihiin.

Masuuliyiinta boliiska degaanka uu shilka ka dhacay  ayaa sheegay in dadka dhintay ay ahayeen hal qoys , sidaas darteedna ay ku safrayeen gaari gaar ah oo ay wateen.

Timon Odingo oo ah masuul ka tirsan ciidamada  boliiska dalka ayaa sheegay in shilkan uu yimid kadib markii gaariga lagu kaxeeyay xawaare dheereeye, sidaas darteedna uu qarxay mid ka mid ah taayirada gaariga.

Bishan gudaheeda dalka waxaa ka dhacay shilal kala duwan waxaana dhawaan shil ku dhintay arday gaaraysa 11 qof halka 32 kalena ay ku dhawacmeen.