Wararka laga helayo inta u dhaxaysa degaanka Ceel waaq iyo Mandera ayaa ku soo waramaya in kooxa hubaysan ay rasaas ku fureen gaari siday dad shacab ah sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen.

Goob jooge la hadlay warbaahinta Tusmo ayaa inoo sheegay in gaari noociiisu ahaa Laankurusal ay kooxa dablayda ah ay rasaas ku fureen xili uu marayay meel u dhow degaanka Wargadud.

Wararka ayaa sheegaya in 3 ka mid ah rakaabkii gaariga uu soo gaaray dhaawac culus halka tira intaasi ku dhowna ay soo gareen dhawacyo fudud.

waxaa sidoo kale lagu soo waramataa in goobta loo diray diyaarado si ay u soo qadaan dadka dhawacmay .

Lama oga cida ay ka tirsan yihiin kooxaha rasaasta ooda uga qaaday gaariga dadka rayidka ay saarnayeen .

Hoos ka dhegayso Cabdala Nuur oo ka mid ah dadka degaanka Wargaduud oo inooga waramay siday wax u dhaceen

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here