Xalay ayaa waxaa la sheegay in rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Hotel ku yaalla degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degmada Baraawe ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen rasaasta ka dhaceysay gudaha degmada Baraawe balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay weerarkaas maadaama ay aheyd xilli habeen sh

Al–Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas,iyaga oo sheegay in hotelka ay weerareen ay degan yihiin mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan Maamulka degmada Baraawe.

Warkaan ka soo baxay Al-Shabaab weli kama hadlin Maamulla degmada,balse xiriir aan la sameynin nooma suurtagelin si aan wax uga weeydiino weerarkaas ay sheegteen Al-Shabaab.