Ciidamada Boliiska degaanka Ahero ee ismaamulka Kisumu ayaa gacanta ku haya haweenay lagu eedeyay in saygeeda ay ku shubtay saliid kulul kadib khilaaf soo kala dhexgalay.

Haweenayda oo dadeeda lagu sheegay 46 sano jir ayaa saliid dabka saaratay habeenimadii talaadada ahayd waxaana la sheegay in halmar ay ku gadisay saygeeda oo hurda, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Ninka dhibaatadan ay qabsatay oo lagu magacaabo Jaramogi Oginga Odinga ayaa hada ku jira xaalad khatar ah waxaana lagu dabiibayaa ispitaalka Ahero.

khilaafka soo kala dhexgalay labadan lamaane ayaa salka ku haya kadib markii aabaha qoyska uu ku amray wiilkiisa in uu iska xiiro timaha oo si fool xun uu jartay, arintaas oo wiilka uu ka dhega adeegay iyadoo markii dambe ay hooyadana la safatay wiilkeeda.

Dhacdooyinka la xariira lamaanaha isdila ayaa aad u soo badanayay wayadii dambe waxaa dhawaan maxkamad ku taala Makueni ay ku xukuntay 12 sano oo xarig ah nin xaaskiisa si banii’aadanimada ka baxsann u qaraacay.