Xiddigga weerarka ka ciyaara ee Wilfried Zaha, ayaa qandaraas cusub oo shan sano ah u saxixay kooxdiisa Crytsal Palace.

Ciyaarayahanka ayaa laga dhigay ninka ugu mushaarka badan ee kooxda, isagoo qaadan doona 130 kun oo bound toddobaadkii.

“Waxaan doonayay in arrintaan meel u dhacdo. Hadda waxaan diiradda saaraayaa xilli-ciyaareedka cusub. Waan ku faraxsanahay in aan lasii joogo kooxdan” ayuu yiri Zaha oo u dhashay Ivory Coast.

Ciyaaryahankan 25 jirka ha ayaa lala xiriirinaayay kooxaha Chelsea iyo Tottenham, oo xagaanan daneynaayay in ay la wareegaan.