kooxda reer Taliyaani ee Roma ayaa si rasmi ah ula wareegtay xiddigga khadke dhexe ee kooxda Sevilla, Steven Nzonzi, kadib markii ay bixisay 30.6 milyan oo Yuuro.

Nzonzi oo 29 jir ah, ayaa saxiixay afar sano oo heshiis ah, waxaana horey loola xiriirinaayay kooxda Arsenal.

Roma ayaa horu-dhac ahaan u bixin doonta 26.6 milyan oo Yuro, iyadoo ay bixin doonto afar milyan kale oo dheeraad ah oo la xiriirta horumarka uu ciyaaryahanka ka sameeyo kooxda Roma.

Xiddiggan oo ka mid ahaa ciyaartoydii France ee ku guuleystay koobka adduunka, ayaa ka tirsanaa kooxda Sevilla seddexdii sano ee u dambeysy, wuxuuna kula guuleystay Europa League sanadkii 2016-ka.