Wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta dalka  Najib Balala ayaa lagu eedeyay in uu qaadayo masuuliyada dhimashada 11 wiyil ah oo nooca madow ah oo ku dhimatay beerta dalxiiska Tsavo,  kadib markii laga wareejiyay xero ku taala Magaalada-tan Nairobi .

Benson Kibore oo ah gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta xanaanada xoolaha aya sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo cidi lahayd masuuliyada dhimashada wiyisha madow.

Wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta dalka Najiib Balala ayaa dhawaanki dambe wajahayay eedaymo la xariira wiyilo nooca madow ah oo ku dhintay xerada Tsavo,  kadib markii ay cabeen biyo cusbaysan, taas oo keentay dhimashadooda.

Najib Balala ayaa horay shaqada ka joojiyay 6 masuul oo uu ku eedeeyay  in ay masuul ka ahayeen dhimashada wiyisha.