Kooxda PSG ee dalka France, ayaa la sheegay in ay dooneyso in 100 milyan oo bound ay ku gor-goriso xiddiga dhexda uga ciyaara kooxda Tottenham ee Cristian Eriksen.

PSG ayaa dooneysa inay xoojiso khadkeeda dhexe, iyadoo xiddigaha ay bartilmaameedsaneyso ay ku dartay xiddiggan reer Denmark oo sidoo kale lala xiriirinaayo kooxda Real Madrid oo qorsheyneysa in ay ku beddesho Luka Modric haddii uu ku biiro Inter Milan.

Kooxda Tottenham ayaanan dooneyn in ay iibiso mid ka mid ah xiddigaheeda muhiimka ah, maadaama suuqa kala iibsiga ee Premier League uu xirmay isla markaana aaney heli karin beddel ilaa bisha January.

Eriksen oo 26 jir ah ayaa bandhiga fiican ku heysta kooxda Spurs, wuxuuna dhaliyay 14 gool halka 10 kale uu baasay xilli-ciyaareedkii hore.