Gool-hayaha Manchester United, David De Gea, ayaa lagu wadaa in uu qandaraas cusub u saxiixo kooxdiisa kadib markii ay billowdeen wada-hadallo lagu kordhinaayo heshiiskiisa.

De Gea ayaa qandaraaskiisa hadda dhacaya sanadka dambe, inkastoo kooxda United ay heysato dooq ay sannad dheeraad ah ugu darto, balse waxey dooneysaa in heshiis cusub oo waqti dheer ah la gaarto gool-hayahooda.

Xiddiggan Spain u dhashay ayaa afartii sano ee u dambeysay noqonayay ciyaarayahanka ugu fiican ee kooxda Man Utd, waxaana lagu wadaa in uu noqdo gool-hayaha adduunka ugu mushaarka badan haddii uu saxiixo heshiiskan cusub oo uu toddobaadkii ku qaadan doono 200 oo kun oo Bound.

Kooxda Real madrid ayaa waqti badan lala xiriirinaayay, hase yeeshee waxey bishaan la wareegtay Thibut Courtois taas oo ka dhigan in De Gea uu oggolaado heshiis cusub.