Qeybo ka mid ah qolalka iskuulka sare ee Rioga ee ku yaalla Koontiga Nyamira, ayaa dab qabsaday abbaare 4.30 subaxnimo ee Axadda maanta ah.

Ma jiro khasaare nafeed oo uu geystay dabka oo qarxay xilli ardayda ay ku sugnaayeen gudaha iskuulka oo ay qaadanayeen casharro Tuushin ah, sida uu sheegay OCPD-ga Keroka oo lagu magacaabo Eliud Muchira.

Muchira, ayaa sheegay in ardayda ay ka baxsadeen iskuulka markii ay arkeen dabka. Wuxuu intaas ku daray in ay qiimeyn doonaan hantida ku burburtay dabka.

Ms Ann Maina, oo ka tirsan waaxda waxbrashada, ayaa sheegtay in ay dhowaan tegi doonto goobta, isla markaana ay warbixin kasoo saari doonto dhacdadan.