Jabhadda ONLF ayaa kaga dhawaaqday magaalada Nairobi xabbad joojin kadib sanado badan oo ay dagaal kula jirtay ciidamada Itoobiya.

Afhayeenka jabhadda Cabdulqaadir Xasan Caddaani ayaa BBC-da u sheegay in ay qaateen goáankan oo dhaqan galaya Axadda Maanta ah, si loo helo nabad iyo wada-hadal.

Goáanka Jabhadda ONLF ayaa ah mid hal dhinac ah, iyadoo dowladda Itoobiya aaney wali war kasoo saarin.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay qaateen baaqii Raíisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ee ahaa nabad iyo wadahallo lagu dhammeeyo khilaafaadka la kala tabanaayo.

Xaalad jahawareer ah ayaa ka taagneyd deegaanka Soomaalida Itoobiya toddobaadkii lasoo dhaafay kadib markii dowladda dhexe ay soo fara gelisay nidamaakii halkaas ka jiray ee madaxda uu ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar.